Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka qayb galay xaflad kaniisadeed oo ka dhacday dugsiga Friends Comprehensive School ee ku yaala magaalada Lugari, ee ismaamulka Kakamega.
Madaxweynaha safarkiisa dowlad deegaanka Kakamega waxaa ku wehelinayay afhayeenka aqalka baarlamaanka ee dalka Moses Wetangula iyo xildhibaano .
Mr Wetangula oo ka hadlay goobta uu ku sugnaa hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka ayaa Kenyaanka ugu baaqay midnimo.