Baarlamaanka oo amrey in si deg deg ah loo baaro dilkii Albert Ojwang

0
400

Afhayeenka aqalka baarlamaanka qaranka Moses Masika Wetang’ula ayaa ku amray guddiga waaxda maamulka iyo amniga gudaha in ay warbixin dhamaystran iyo bayaan horudhac ah horkeenaan aqalka maalinta Khamiista saacadu marka ay tahay 2:30 PM.
Warbixinta ayaa lagu eegi doona geeridii naxdinta lahayd ee Albert Ojwang.
Awaamiirtan ayaa daba socotay walaac ay soo jeediyeen sharci-dajiyayaasha, oo uu ugu horeeyo xildhibaanka Nyando, Jared Okello, oo arrintan ku tilmaamay mid culus oo la doonayo in si degdeg ah loo baaro.
Dhinaca kale Senatarrada dalka ayaa ku baaqay maanta in la soo xiro Kuxigeenka Isbatooraha Guud, Adeegga Bilayska Kenya (DIG) Eliud Kipkoech Lagat sababo la xiriira dilka lagula kacay Albert Ojwang’ kaasi oo la sheegay in uu ku dhintay xabsiga booliska.
Senetarka ismaamulka Migori Eddy Oketch ayaa ka dalbaday guddiga joogtada ah ee Amniga Qaranka, Difaaca iyo Xiriirka Dibadda in ay soo faragaliyeen dilka loo gaystay Ojwang.
Senetarka dowlad deegaanka Kakamega Boni Khalwale ayaa dalbaday in dhacdadan la gaarsiiyo heerkii ugu sareeyay, lana soo qabto kuwa dambiyada galay.