Madaxweyne Ruto oo magacaabey saraakiisha IEBC

0
367

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay magacaabista Erastus Edung Ethekon oo ah guddoomiyaha cusub ee guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.
Ethekon waxa uu bedelay gudoomiyihii hore ee geeriyooday Wafula Chebukati, kaas oo waqtigiisu dhamaaday bishii Janaayo ee sanadkii 2023.
Ogeysiis uu xalay soo saarey Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale soo bandhigay lix xubnood oo dheeraad ah oo dhawaan Baarlamaanka ay ansixiyeen, kuwaas oo kala ah Ann Njeri Nderitu, Moses Alutalala Mukhwana, Mary Karen Sorobit, Francis Odhiambo Aduol, iyo Fahima Araphat Abdallah.
Waxaa ay xilka heyn doonaan muddo lix sano ah. Guddiga IEBC ayaa ku dhawaad ​​laba sano iyo bar waxa uu ahaa gudoomiye la’aan ka dib markii uu dhamaaday waqtigii loo doortay xubnihii hore ee guddiga oo uu ku jiray gudoomiyaha