Australia oo xiraysa safaaradeeda Afghanistan

0
514

Dowladda Australia ayaa maanta si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay albaabada isugu dhufan doonto safaaradda ay ku leedahay wadanka Afghanistan.
Amarkan ayaa dhaqan galaya isbuucan gudihiisa.
Dowladda Australia ayaa go’aankan u aaneysay hubanti la’aan dhanka amniga oo ku sii kordheysa caasimadda Afghanistan ee Kabul.
Hal bil ka hor ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison uu shaaciyay in 80 sarkaal oo kaga sugan gudaha Afghanistan ay halkaasi ka saarayaan.
Ciidamadan ayaa qayb ka ah howlgalka gaashaanbuurta NATO ee tababarka siinaya sidoo kalena caawinaya saraakiisha Afghanistan.