DHEGEYSO:Wasiirka adeegga dadweynaha oo booqday qoysas uu dab saameeyay

0
542

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku ayaa booqday xaafadda Mukuru Kwa Njenga ee ismaamulka Nairobi.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii dab halkaasi ka kacay ay hooy la’aan ku noqdeen ilaa 100 qoysas ah.
Mid ka mid ah qoysaska ku nool xaafaddaasi ayaa codsaday in dhibbanayaasha si lacag la’aan ah loogu sameeyo dokumeentiyada muhiimka ah sida shahaadada dhalashada ee ka gubtay.

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku ayaa dhankiisa sheegay in dowladdu ay taageeri doonto dhibbanayaasha ay saameynta ka soo gaartay dhacdadaasi.