Madaxweyne ku xigeenka dalka oo beeniyay inuu khilaaf kala dhexeeya barasaabka Embu

0
350

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa beeniyay wararka sheegaya in isaga iyo barasaabka ismaamulka Embu Cecily Mbarire aynan siyaasad ahaan heshiis ahayn.
Xilli uu ku sugnaa jaamacadda Embu ayuu Kindiki hoosta ka xarriiqay in wararkaasi ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.
Waxaa uu dadweynaha Embu u xaqiijiyay in isaga iyo guddoomiyaha dowlad deegaankaasi ay leeyihiin xiriir shaqo oo adag.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in ay siyaasiyiinta qaar abuurayaan dhibaatooyin aan jirin.
Waxaa uu shacabka Embu kula taliyay in ay iska dhaga tiraan isku dayada lagu kala qaybinaya.