Guddiga Cadaalada iyo Arrimaha Sharciga ee baarlamaanka oo Erastus Ethekon Edung u ansixiyay guddoomiyaha cusub ee IEBC

0
364

Guddiga cadaalada iyo sharciga ee baarlamaanka dalka (JLAC) ayaa ansixiyay magacaabista Erastus Ethekon Edung inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Warbixin ay u dirtay barlamaanka qaranka Talaadadii shalay ehed JLAC ayaa waxaa ay sidoo kale ku ansixisay magacaabista lix kale si ay u qaataan doorarka xubnaha IEBC.
Oggolaanshahan ayaa daba socda qiimayn guul ah oo ay samaysay JLAC, kaas oo dhacay Sabtidii, 31-kii bishii May.
Ansixinta ka dib, dhammaan indhaha ayaa hadda ku wajahan aqalka barlamaanka oo lagu wado in ay ka doodaan warbixinta oo ay diidaan ama ansixiyaan talada guddiga.