Booliiska ayaa habeenimadii xalay waxaa ay qabteen gaari xamuul ah oo ku sugnaa ismaamulka Kwale oo siday sokor kootarabaan ah oo la aaminsan yahay in ay ka timid mid ka mid ah waddamada jaar la ah Kenya oo la doonayay in si sharci daro ah lagu soo geliyo gudaha dalka.
Saraakiil ka tirsan Adeegga Qaran ee Booliiska, oo la shaqaynaya koox hay’ado badan ah oo laga soo kala xulay qaybaha kale ee fulinta dowladda, ayaa gaariga ku qabtay xaruunta xudduudda Lunga Lunga ee ismaamulka Kwale.
Gaariga iyo shixnadda sokorta ayaa lagu xiray xarunta maamulka canshuuraha ee (KRA) iyadoo la sugayo baaritaan dheeri ah iyo su’aalo ay weydiinayaan kooxda hay’adaha kala duwan.