Booliiska oo hawlgal ka dhan ah khamriga sharci darrada ah ka fuliyay Nairobi

0
382

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Qaranka (NPS) ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xaafada Kibera ee ismaamulka Nairobi, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu ciribtirayo waxyaabaha sharci darrada ah sida khamriga.
Intii uu socday howlgalka, saraakiishu waxay soo heleen ku dhawaad 2,000 oo litir oo khamri ah iyo 350 litir oo khamriga nooca chang’aa ah.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo dalka oo dhan lagula dagaalamayo soo saarista, qeybinta iyo iibinta khamriga sharci darrada ah, kuwaasoo khataro caafimaad iyo mid bulshoba ku haya shacabka.
Xubnaha dadweynaha ayaa lagu booriyay inay la shaqeeyaan hay’adaha sharci fulinta iyagoo ka warbixinaya dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh oo la xiriira iibinta ama soo saarista khamriga sharci darrada ah.