Howlgalka nabad sugidda qaramada midoobay ee dalka Mali ayaa ciidamada militariga wadankaasi ka dalbaday in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u siidayaan madaxweyne Bah Ndaw iyo ra’iisul wasaare Moctar Ouane oo ay saraakiishu gacanta ku dhigeen.
Qoraal uu soo saaray howlgalka Minusma ayaa sidoo kale shacabka looga codsaday in ay deganaansho muujiyaan.
Bayaanka jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa imaanaya ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada militariga ay labadan mas’uul geeyeen saldhigga Kati ee ku yaalla meel u dhow caasimadda Mali ee Bamako.
Tallaabadan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in sanad gudihii dalka Mali uu ka dhaco afgembi labaad.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale la qabtay wasiirkii difaaca ee Mali Souleymane Doucouré.