Martha Karua oo dalka dib ugu soo laabatay ka dib markii lagu xayiray Tanzania

0
93

Madaxa xisbiga xoreynta dadweynaha ee PLP garyaqaan sare Martha Karua ayaa galabta dalka dib ugu soo laabatay ka dib ku dhawaad 6 saacadood oo ay iyada iyo labo haween oo kale ku xayirnaayeen garoonka caalamiga ee Julius Nyerere ee magaalada Dar es Salaam,waddanka Tanzania.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee X ayay ku sheegtay in aynan marnaba isku dhiibi doonin waxa ay ku tilmaantay dhulun.
Waxay xustay in la xannibay oo ay sugayeen in dalka dib loogu soo celiyo sidoo kalena aan lala wadaagin sababta keentay in lagu xayiro garoonka diyaaradaha ee Julius Nyerere.
Karua , Gloria Kimani oo xubin ka ah golaha ururka qareennada dalka ee LSK iyo Lynn Ngugi oo u ololeysa xuquuqda aadanaha ayaa waxaa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA, magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay shakhsiyaad uu ka mid yahay agaasimaha fulinta ee Hay’adda Amnesty International laanteeda Kenya Irũngũ Houghton.
Sida laga soo xigtay Martha Karua, waxaa ay Tanzania tagtay 9.00 subaxnimo, sarkaal ka tirsan socdaalka ee garoonka diyaaradaha ayaa baasaboorkeeda u gudbiyay kormeeraha waxaana muddo ka dib loo diiday in ay gudaha u galaan Tanzania.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dowladda Tanzania ay u muuqato in aynan soo dhaweynayn cid kasta oo daneynaysa kiiska ka dhanka ah hoggaamiyaha mucaaradka Tanzania Tundu Lissu.
Guddoomiyaha xisbiga Chadema , Tundu Lissu ayaa 10-kii bishii hore ee April lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah kaddib markii lagu xiray isu soo bax dadweyne oo uu ku baaqay in isbeddel lagu sameeyo doorashada.
Karua ayaa tan iyo xilligaasi hoggaaminaysay koox u ololaysa xuquuqda Afrikada Bari oo doonaysay in la sii daayo Lissu iyo in la laalo eedaha siyaasadaysan ee ka dhanka ah.
Karua, Ngugi iyo Kimani ayaa lagu waday inay ka qayb galaan dhageysi la xiriira kiiska Lissu, oo loo qorsheeyay Isniinta 19-ka bishan May oo berri ku beegan.
Ramah_Abubakar, madaxa ururka garyaqaannada Bariga Afrika ayaa waxaa uu madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan ka codsaday in ay oggolaato in Martha Karua iyo labada haween ee kale ay galaan dalkaasi iyadoo la tixgelinaya heshiiska jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa xorta ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay bayaan ka soo saari doonaan xannibaadda Karua , Gloria iyo Lynn.
Madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Faith Odhiambo ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay aad uga xun yihiin xannibaadda maanta lagula kacay saddexda haween.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tallaabadaasi ay tahay mid sharci darro ah, aan laga fiirsan loona qiil dayi karin.
Faith ayaa intaasi ku dartay in farqada 104 ee heshiskii lagu soo dhisay jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da ay qeexaysa in shacabka dalalka xubnaha ka ah jaaliyaddan la doonaya in ay si xor ah ugu socdaalaan waddamadan dhexdooda iyagoo aan la xayirin sidii maanta dhacday oo kale.