Bashiir Maxamad oo lagu aasay xabaalaha Lang’ata ee Nairobi

0
474

Waxaa gelinkii dambe ee shalay xabaalaha muslimiinta ee Lang’ata ee magaaladatan Nairobi lagu aasay ganacsade Bashiir Maxamad.
Marxuum Bashiir oo muddo 10 cisho la la’a ayaa Sabtidii dhawaan meydkiisa laga helay deegaaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga.
Ehelladiisa ayaa sheegay in meydka ay ku yaaleen laba rasaas oo dhanka madaxa iyo nabarro kale oo jir dil ah oo loo adeegsaday baangad.
Waxaa jira warar kala duwan oo la isla dhex marayo, balse shalay ayay dowladda dalka qolada u qaabilsan baaritaanka meydka ay sheegeen in Bashiir Gaboobe lagu diley ceeji.
Baaritaanka dilka ganacsadahan iyo sababihii ka dambeeyey ayay dowladdu sheegtay in ay sii wadi doontaa, illaa iyo laga gaarayo natiijo sax ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii baabuur uu lahaa Bashiir isaga oo la gubay lagu arkay deegaanka Kabete ee ismaamulka Kiambu.
Ganacsadaha oo ah 35 sano jir ayaa haysta dhalashada Maraykanka waxaa uuna qayb ka ahaa mashaariic dhanka dhismaha oo ay dowladda ka fulinayso ismaamullada Kiambu iyo Nyeri.
Qoyska Bashiir Maxamad oo ay matalayso shirkadda bixisa adeegyada dhanka sharciga ee HMS ayaa bayaan ay maalmo ka hor soo saareen ku sheegay in marnaba aynan ka daali doonin in ay cadaalad raadiyaan ilaa iyo inta gacanta looga soo dhigaya dadkii dilay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ee dalka ay sheegeen in ay su’aalo weydiiyeen shakhsiyaad la macaamilay alle ha u naxariistee Bashiir Maxamad ka hor inta aan la waayin.