Dacwad ka dhan ah magacaabistii Makau Mutua oo maxkamadda la geeyay

0
200

Labo qof oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa maxkamadda geeyay dacwad ay uga soo horjeedaan tallaabadii uu madaxweynaha dalka Dr. William Ruto uu dhawaan la-taliyihiisa sare ee arrimaha dastuurka uu ugu magacaabay Prof.Makau Mutua.
Dr .Benjamin Magare iyo Eliud Matindi ayaa doonaya in magacaabiddaasi waxba kama jiraan laga soo qaado.
Waxay ku doodayaan in xafiiska loo magacaabay Mutua uunan ahayn mid ku saleysan dastuurka dalka.
Sidoo kale , waxay dalbanayaan in Makau Mutua uu dib u soo celiyo haddii ay jiraan lacago dadweyne oo uu ku helay jagadan.