80,000 oo qof oo ka qaxay Rafah

0
269

Waxaa magaalada koonfureed ee Rafah ee dalka Falastiin ka qaxay qiyaastii 80,000 oo qof.
Kumanaan qof oo kale ayaa isku dayaya in ay magaaladaasi iskaga baxaan iyadoo uu sii xoogeynaya duullaanka dhuleed ee Israa’iil.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la soo tabinaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya Xamaas iyo ciidamada Israa’iil.
Militariga Israa’iil ayaa dhanka kale sheegay inuu haysto dhammaan hubka uu weerarka Rafah ku fulinaya ka dib markii uu madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay in aynan hub dheeraad ah ku wareejin doonin xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Ugu yaraan 34,904 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii iyadoo la dhaawacay 78,514 kale.