69 qof oo ku dhimatay roobab xoogan oo ka da’ay dalka Hindiya iyo Nepal

0
485

Ugu yaraan 69 qof ayaa toddobaadkan ku dhintay biriq ka dhacay bariga gobolka Bihar ee Hindiya iyo dalka deriska la ah ee Nepal, sida ay saraakiishu sheegeen Sabtida maanta ah.
Sanad kasta waxaa lagu qiyaasay in kumaan qof ay u dhintaan dada iyo onkod.
Maamulka u qaabilsan musiibooyiinka ee Magaalada Bihar ayaa maanta sheegay in ugu yaraan 61 qof ay ku dhinteen duufaano xooggan oo ku dhuftay Hindiya maalmaha khamiistii iyo jimcihii shalay.
Sideed qof oo kale ayaa ku nafwaayay dalka deriska la ah ee Nepal, sida ay saraakiisha musiibada u sheegeen warbaahinta AFP.
Roob mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa inuu markale ku dhufan doono Bihar Sabtida maanta ah , sida uu sheegay xafiiska deegaanka ee waaxda saadaasha hawada ee waddanka Hindiya.