Shil aroornimadii hore ee maanta ka dhacay waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Eldoret iyo Webuye ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 6 qof.
Dhacdadan oo laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Kosachei ee u dhow magaalada Turbo ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa u dhexeysay baabuur dhowr ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii hore ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada iyo gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda.
Waxaa shilkaasi ka dib waddada soo maray gaadiid kale oo dadweyne iyadoo darawalka uu isku dayay inuu badbaadiyo rakaabka shilka ku waxyeeloobay hasa ahaate waxaa ka daba yimid oo ku dhacay loori kale.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay ilaa 24 qof oo kale oo la geeyay isbitaalka wayn ee Moi Teaching and Referral Hospital si loo daaweeyo.