45,000 baasaboorro diyaar ah oo aan weli la qaadan

0
219

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ay diyaar yihiin oo ay dadkii codsaday qaadan karaan baasaboorro gaaraya 45,000.
Waxaa uu xusay in ay qayb ka ahaayeen 700,000 oo soo saaridooda lala dib dhacay.
Kindiki, ayaa laga soo xigtay in dowladdu ay dejisay tallaabooyin lagu dardargelinaya qaadashada baasaboorrada.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu tagay xarunta dhexe ee waaxda socdaalka dalka ee Nyayo House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in guulo muuqda laga gaaray codsashada , soo saaridda iyo qaadashada baasaboorka dalka.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonto sidii fidinta adeegyada gaar ahaan dokumeentiyada aqoonsiga iyo safarrada ay u noqon lahayd mid wax ku ool ah.
Wasiir Kindiki ayaa bayaan ku sheegay in hadda dib u eegis lagu sameynaya xeerarka jinsiyadda iyo socdaalka ee dalka , xeerka maareynta adeegga muwaadiniinta iyo ajaaniibta , isbeddelka xeerka amniga , sharciga ka hor tagga tahriibka, xeerka qaxootiga ,diiwaangelinta dadweynaha , diiwaangelinta dhalashooyinka iyo dhimashooyinka iyo kuwa kale ee muhiimka ah si loogu guulaysto oo looga dhabeeyo ajeendaha isbeddelka.