Ehellada 52 qof oo ku dhintay shilkii habeenimadii ay Sabtida soo galaysay ka dhacay isgoyska Londiani ee ismaamulka Kericho ayaa ilaa iyo hadda aqoonsaday 37 ka mid ah meydadkaasi.
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijisay wasiiradda caafimaadka ee dowlad deegaankaasi oo sheegtay in dadka shilka uu saameeyay ay tiradooda guud ahayd 77 qof.
Howshan ayaa ka socoto qaybta meydadka la dhigo ee isbitaalka Londiani.
Madaxa isbitaalka Dr. Collins Kipkoech ayaa intaasi ku daray inay baaritaan ku sameeyeen 33 ka mid ah 37-da meyd.
Kipkoech ayaa xusay in meydadka dadka shilka ku dhintay ee la aqoonsaday lagu wareejiyay ehelladooda.
Dhaawacyada ka dhashay shilkaasi oo kor u dhaafaya 30 ayaa lagu kala daaweynaya isbitaallada Kericho iyo Nakuru.




