Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo jeediyay in la isugu dulqaato kala duwanaanshaha aragtida siyaasadeed.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay tahay dal ay ka jirto dimuqraadiyad buuxda oo uu qofku si madax bannaan u cabbiri karo dareenkiisa.
Ruto oo hadalkan jeediyay xilli uu ku sugnaa hooygiisa Sugoi ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa ka digay in maamullada ammaanka loo adeegsado in lagu dhibaateeyo shakhsiyaadka muujiya afkaar siyaasadeed oo ka duwan midda dowladda ama xulafadeeda.
Waxaa uu ku celceliyay in marnaba aan loo baahneyn in Kenyaanka la kala qaybiyo.
Siyaasiyiinta ayuu ku boorriyay inay qorshahooda ka dhaadhiciyaan codbixiyeyaasha iyagoo sida uu hadalka u dhigay aan colleysan kuwa aan la dhacsanayn ajeendayaashooda.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo ka digay in hay’adaha ammaanka loo adeegsado caburinta afkaarta...




