3 qof oo lagu dilay Daanta Galbeed ee Falastiin

0
326

Waxaa lagu soo warramayaa in saddex qof lagu toogtay magaalada Tulkarem ee Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Dhacdadaasi ka dib waxaa la faafiyay muuqaal laga dhex arkaya militariga Israa’iil oo baabuurkooda jiirsiinaya qof Falastiini ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , weerarrada ay Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 23,084 qof.
Waxaa tiradan ka mid ah 9,600 oo carruur ah halka la dhaawacay ku dhawaad 59,000 ruux oo kale.