Waxaa laga cabsi qabaa inay saddex qof ku dhinteen isku dhac laga soo tabiyay xadka ay wadagaan ismaamullada Kericho iyo Kisumu gaar ahaan aagga Sondu oo ka tirsan degmada Nyakach.
Weerarka ayaa dhacay habeenimadii xalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadda ay ka dhalatay fal Isniintii xoolo lagu dhacay oo lagu dilay nin ka soo jeeday degmada Soin Sigowet oo daris la ah Nyakach.
Qofka la dilay ayaa lagu eedeyay ku lug lahaanshaha dhaca xoolaha.
Tani ayaa keentay in dhallinyaro ka soo jeedo Kericho ay aargoosi billaabaan iyagoo guriyo weeraray oo gaystay dilal iyo dhaawacyo.
Isku duwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka Nyanza ,Flora Mworoa ayaa xaqiijisay in xaalad kacsan ay ka jirto xadka ismaamullada Kisumu iyo Kericho.




