14 maleeshiyo ah oo lagu dilay Burkina Faso

0
526

Koox aan weli la aqoonsan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dishay 14 dagaalyahaano ah oo la rumeysan yihiin inay xubno ka yihiin maleeshiyo dowladda dalka Burkina Faso lagu eedeya inay garab siiso.
Weerarka oo ahaa mid jid-gal ah ayaa ka dhacay waqooyiga wadankaasi.
Waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ay sii korortay dhaliisha loo jeedinaya madaxweynaha Burkina Faso Roch Marc Kabore ee ah inuusan wax badan ka qaban amni darro jirtay sanado oo lagu dilay kumanaan qof halka in ka badan hal milyan oo kalena ay guriyahooda ka barakaceen.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka .