Waxaa lagu soo warramayaa in Maraykanka laga diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee nooca cusub ee caabuqa corona oo loo yaqaano Omicron.
Kiiskan ayaa laga helay qof ku sugan gobolka California oo si buuxda u qaatay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in bukaankan uu 22-kii bishii hore ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika isagoo toddobaad ka dib lagu arkay cudur sidaha.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegaya inay ku dadaalayaan istaraatiijiyad cusub oo lagula dagaallamaya COVID-19 .
Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayuu sidoo kale qorshuhu yahay inuu ku dhawaaqo tallaabooyin cusub oo ay ka mid tahay in la xoojiyo baaritaanada lagu sameynaya rakaabka ka safro wadamada kale ee caalamka ee halkaasi gaaro.




