Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay wasaaradda waxbarshada, hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya iyo agaasinka waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir.
Waxaa ay sheegeen in labadii sano ee maamulka Banaadir uu maamulayay waxbarashada uu gobolka hormar weyn ka sameeyay dhanka tacliinta sidoo kalena waxay wasiirka waxbarasahda ugu baaqeen inuu agaasinka tacliinta ee gobolka faragelinta ka daayo uuna garab istaga iyo taageero ku kabo.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayay waxgaradkaan ugu baaqeen inuu xalliyo khilaafka saamaynta ku yeelanaya waxbarashada gobolka Banaadir.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Rw Rooble oo loogu baaqay inuu xalliyo khilaafka wasaaradda waxbarashada iyo maamulka...