Ingiriiska oo aargoosi ugu hanjabay Faransiiska

0
584

Waxaa sii xoogeystay khilaafka la xiriira arrimaha kallumeysiga ee u dhexeya dowladaha Ingiriiska iyo Faraniiska.
Boqortooyada UK ayaa dib ugu yeeratay safiirkeedii Faransiiska waxayna ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin aargoosi ah hadii xukuumadda Paris ay ku sii adkeysato cunaqabateyn ay ku goodisay.
Xoghayaha arrimaha deegaanka ee Britain George Eustice ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay ka falceliyaan xadgudub kasta.
Labada dowladooda ayaa ku muransan tirada leesimada ee ay UK siisay doomaha Faransiiska ee biyaheeda ka kallumeysan karo.