Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Faransiiska Gerald Darmanin ayaa ku baaqay in la billaabo wada xajoodyada ku aaddan heshiis laga gaaraya soo galootiga oo ay yeelanayaan boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
Darmanin ayaa sidoo kale Britan ku boorriyay inay ka soo baxdo ballanqaadkii ahaa inay dhaqaale ku bixin doonto dagaalka ka dhanka ah qulqulka tahriibayaasha tago waqooyiga xeebaha Faransiiska si ay gudaha ugu galaan England.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska ayaa baaqan soo saaray ka dib socdaal uu ku tagay magaalada Loon-Plage ee waqooyiga dalkaasi.