Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa eedeyn kulul u jeediyay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee isaga ka soo horjeeda kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay socdaal ku tegayay gobolka bartamaha dalka sidoo kalena kulamo gaar ah la qaadanayay shakhsiyaad uu ku tilmaamay inay dano gaar ah wataan .
Waxaa uu sheegay in shacabka gobolka Mt. Kenya ay aamninsan yihiin in isaga uu soo dhisi doono dowladda xigta.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed inuu horaan taageero badan uga kasbaday shacabka gobolka bartamaha dalka islamarkaana kuwa hadda halkaasi tegayo ay tahay inay tilmaamo weydiistaan.
Waxaa uu cambaareyn u jeediyay urur dhawaan soo shaac baxay oo la sheegay inay matalayaan dadweynaha ku nool gobolka bartamaha wadanka, isaga oo ku eedeeyey in wadaan dano siyaasadeed oo ay kharashaad ku bixinayaan carqaladeynta rabitaanka codbixiyayaasha gobolka.
Waxaa uu xusay in la joogo wakhtigii ay madaxda billaabi lahaayeen inay ka fikiraan muwaadinka caadiga ah halkii ay la kulmi lahaayeen dhowr qof oo maalqabeen ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxda xisbiyada ku midoobay isbaheysiga OKA ee kala ah Kalonzo Musyoka(Wiper), Musalia Mudavadi(ANC), Gideon Moi(KANU) iyo Moses Wetangula(Ford-Kenya) ay la kulmeen xubno matalayay dadweynaha ku nool gobolka bartamaha wadanka.
Waxaa ka sii horreeyay kulan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo maalqabeenada gobolka bartmaaha dalka ay la qaateen hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga oo ay taageero u muujiyeen.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in ay tahay in dadka loo daayo in ay go’aan ka gaaraan qofka ay doonayaan in uu noqdo madaxweynaha xiga ee Kenya.
Hoggaamiyeyaasha gobolka Mt. Kenya ayaa dhanka kale ku adkeystay in rabitaankooda ku aaddan jagooyinka ugu sarreeya aan la iska indho tiri karin ee doorashada guud ee 2022-ka.
Dhanka kale guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in mustaqbalka wadanka aan lagu go’aamin karin shirar lagu qabto maqaayadaha.




