Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo shalay kulamo kala duwan ku qabtay ismaamulka Nakuru ee gobolka Rift Valley ayaa ballanqaaday in haddii sanadka soo socdo uu ku guulaysto xilka madaxtinimada dalka uu wax badan ka beddeli doono nolosha dhallinyarada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in si xal loogu helo shaqa la’aanta wadanka ka jirto cid kasta oo aan shaqo hayn ay dowladda bil walbo siin doonto 6,000 oo shilin.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa intaa ku daray in la soo dhisaya guddiga adeegga dhallinyarada si uu u xaqiijiyo dhaqangelinta xeerarka dowladda ay ku garab istaagayso da’yarta




