22 qof oo lagu dilay Qaza

0
584

Shaqaalaha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegaya in Israa’iil ay weerarro ku dishay 22 ruux.
Dadkan ayaa la dilay tan iyo intii uu maanta waaga baryay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil sii xoojisay howlgallada militari ee ay ka waddo magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza iyo magaalada Koonfureed ee Khan Younis.
Dhanka kale , madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeeyay sida wayn ee loogu baahan yahay in heshiis xabbad joojin ah la gaaro.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in la isku mari la’yahay wada hadallada nabadeed ee u dhexeya Israa’iil iyo Xamaas.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, ugu yaraan 40,223 qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 92,981 kale.