Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirada dadka halkaasi ugu geeriyooday gaajada iyo nafaqo darrada ay gaartay 217 qof.
Waxaa tiradan ka mid ah 100 carruur ah.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC uu qorsheynaya inuu yeesho kal-fadhi naadir ah oo ku aaddan in Israa’iil ay damacsan tahay la wareegidda magaalada Qaza.
Arrintan ayaa barakac u horseedi karta ku dhawaad malaayiin Falastiiniyiin ah.
Waxaa magaalooyin waawayn oo ay ka mid yihiin London iyo Istanbul ka dhacay dibadbaxyo caalamka loogu baaqay inuu qaado tallaabooyin lagu soo afjaraya dagaalka Qaza.