Howlgalo dad lagu qabtay oo Kismaanyo ka dhacay

0
304

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeynayeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladaan oo intooda badan la sameeynayay xilliyada habeenkii ayaa Ciidamada amaanku waxay ku baarayeen guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaala wadooyinka Magaalada Kismaayo.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwo amniga lagu xaqiijinayay maadaama Magaalada Kismaayo dhawaan ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada Baarlamaanka fedraalka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Afhayeenku in howlgallada ay Ciidamada ku qab qabteen dad la tuhmayo, kuwaasoo uu sheegay inay baaritaano ku socdaan lana soo bandhigi doono, sidoo kalena howlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay kamid tahay meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Jubbaland, in kastoo mararka qaar ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan, waxaana Ciidamada amanaku ay Magaaladaas iyo deegaanada hoos yimaada inta abdan ka sameeyaan howlgallo kala duwan oo amni Xaqiijin ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here