DHAGEYSO:Tirinta Codadkii Shalay la dhiibtay oo Soomaaliland ka Socota

0
347

Waxaa guud ahaan Deegaanada kala duwan ee Soomaaliland Xalay Fiidkii la soo gabagabeeyay Codbixinta ay shacabku ku soo dooranayeen masuuliyiinta goleyaasha Deegaanka iyo wakiilada oo 15 Sano kadib ayagoo isku Sidkan Markii ugu Horaysay la qabtay.
Xalay todobadii FIidnimo ayaa la soo xiray goobihii ugu danbeeyay ee Codadka laga Dhiibanayay waxaan Guud ahaan Codbixintu ku soo idlaatay Si wanaagsan.
Masuuliyiinta ugu Saraysa Gudiga Doorashooyinka Soomaaliland ayaa sheegay inay isla Xalay Bilaabatay Tirinta Codadkii Ay Shacabku dhiibteen ee Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka oo is Huwan.
Meelaha ay dadweynuhu shalay sida aadka ah ugu soo baxeen doorashada oo ay Cododkooda ka dhiibteen laguna arkayay Safafka Dhaadheer ayaa Waxaa ka mid ahaa Magaalooyinka Waa weyn ee Hargaysa,Berbera,Boorama iyo Burco.
Ciidamada amaanka Soomaaliland ayaa ilaa hada ku sugan goobaha Codbixinta waxayna wali sugayaan amaanka tirinta Codadkii la dhiibtay.
Dhamaan Masuuliyiin ka kala socday Sadexda Xisbi ee Soomaaliland,Masharaxiinta Xilalka doonaya iyo gudiga doorashooyinka ayaa ku sugan goobaha Tirinta Codadka waxayna wararku sheegayaan inay si Habsami leh ku socdaan.
Gudiga doorashada Soomaaliland waxay sheegeen in mudo 24 Saacadood gudahood ah oo ka bilaabanaysa Xiligii ay Codbixintu soo Xiranta la shaacin doono Natiijada ka soo baxday Codadkii ay Shalay dhiibteen shacabka Soomaaliland.
Gudoomiyaha gudiga doorashada Soomaaliland ayaa kula Dardaarmay in codadka si cadaalad ah loo tiriyo cidkastana si xaq ah looga shaqeeyo.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu baaqay Musharaxiinta inay ku Qancaan Natiijo kasta oo doorashada ka soo baxday islamarkaana ay ka shaqeeyaan daganaanshaha Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here