Bixinta kaarka Huduma oo ka socoto ismaamullada

0
753

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in si habsami leh ay ismaamullada wadanka uga socoto bixinta kaarka loogu talagalay fududeynta helidda adeegyada dowladda ee loo yaqaano Huduma.
Waxaa uu Oguna xusay in ilaa iyo hadda la soo saaray 1.2 milyan oo kaararka ah halka 916,497 ka mid ah la qaybiyay.
Mr. Oguna ayaa intaa ku daray in toddobaadkan gudihiisa la qaybin doono 283,503 oo ah kaarka Huduma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here