Baarlamaanka oo maanta ka doodi doono warbixin ku saabsan in warbaahin u gaar ah uu yeesho

0
534

Golaha xeer dejinta dalka ayaa qorsheynaya inuu sameysto idaacad iyo telefishin u gaar ah si uu si toos ah u baahiyo kal-fadhiyadooda.
Waxaa la filayaa in xildhibaannada baarlamaanka ay gelinka dambe ee maanta ka doodaan arrinkan hadii la dhaqangelinaya ama ay ka soo horjeedsanayaan.
Mooshinka ku saabsan in aqalka baarlamaanka u sameysto warbaahin u gaar ah ayaa waxaa soo gudbiyay 3-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore guddiga baahinta iyo keydinta howlaha baarlamaanka .
Guddigan waxaa hoggaamiya mudanaha laga soo doortay deegaanka Shinyalu ee ismaamulka Kakamega, Justus Kizito.
Guddoomiyaha baarlamaanka Kenya Justin Muturi ayaa ka codsaday xubnaha golaha xeer dejinta in ay ahmiyad gaar ah siiyaan warbixintan isagoo sheegay in hadii la qaato oo la dhaqan galiyo, in dadweynaha Kenyaanka ay wax badan ka faa’iidi doonaan waxyaabaha ay xildhibaanada uga hadlaan kal-fadhiyadooda.
Kal-fadhiyada baarlamaanka ayaa haatan laga sii daaya telefishinka qaranka ee KBC iyo muuqaal baahiyaasha maxalliga ah.
Baahinta howlaha baarlamaanka ayaa la bilaabay sanadkii 2008-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here