Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Taliska booliska Soomaaliya oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa ka dhacay...

DHAGEYSO:Taliska booliska Soomaaliya oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Makhaayad u dhow dekedda Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 10 qof ay ku dhimatay Qaraxa sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 30 Ruux.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Mootada nooca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska.
Dhanka kale gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in ku dhawaad 15 ruux oo dhimasho ah ay goobta ka qaadeen.
Dadka Qaraxa ku dhintay oo la yaqaano ilaa hadda waxaa ka mid ah Axmad Maxamuud Caadle oo ahaa macalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments