Sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0
368

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Xalay loogu gaystay magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cumar Axmad oo loo yaqiinay Aadan Biit, kaas oo lagu dilay goob maqaaxi ah oo ku taalla agagarka xerada Iskool Buluusiya oo ka mid ah meelaha sida weyn loo ilaaliyo.
Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa gaystay nin ku hubeysnaa Bastoolad, kaasoo ku dhuftay marxuumka dhowr xabadood, islamarkaana si degdeg ah goobta uga baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta lagu dilay Sarkaalka ayaa halkaasi baaritaano ka sameeyay, hayeeshee lama soo warin cid ay u soo qabteen falka dilka ah.
Dilka sarkaalkan ayaa dad badan is weydinayaan sida ay ugu suurtagashay nin hubeysan inuu dil ka gaysto agagaarka xerada Iskuul Buluusiya, islamarkaana uu baxsado.
Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Laftagareen iyo madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa ka kala tacsiyadeeyay dilka Xalay loo gaystay Sarkaalka ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya Aadan Cumar Axmad Aadan Biit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here