Qarax aad u weyn oo goor dhaw ka dhacay Maqaaxi ku taala Muqdisho

0
770

Qaraxan oo loo maleynayo in uu yahay mid ismiidaamin ah ayaa goor dhaw ka dhacay Maqaaxida lagu magacaabo Luul Yemeni oo aan ka fogeyn dekedda Xamar.
Qaraxan ayaa jugtiisa si weyn u gilgilay inta badan magaalada caasimadda ee dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxaa laga arkayay qaybo ka mid ah magaalada uuro madow iyo holac uu sababay qaraxa.
Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa durbaba bilaabay in ay gaaraan goobta uu qaraxu ka dhacay, sidoo kale waxaa tagay goobta ciidamada nabad-galyada, ilaa iyo haddana dhab ahaan lama oga khasaaraha.
Wixii ka soo kordho kala soco starfm.co.ke

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here