2,000 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda oo la sheegay in ay haystaan shahaadooyin faalis ah

0
174

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa dabagal uu sameeyay ku ogaaday in ugu yaraan 2,000 oo qof oo ka shaqeeya waaxyaha kala duwan ee dowladda la howlgeliyay iyagoo adeegsanaya shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah.
Guddoomiyaha PSC Ambasadoor Anthony Muchiri ayaa sheegay in shakhsiyaadkan badankoodu ay ka howlgalaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran, wasaaradda tamarta , isbitaalka qaran ee Kenyatta, isbitaalka Moi , shirkadda korontada soo saarta ee Geothermal Development Corporation iyo dhowr ka mid ah jaamacadaha dowliga ah.
Muchiri ayaa hoosta ka xarriiqay in ay aaminsan yihiin in tiradan aynan ahayn mid kama dambeys ah maadaama ay weli baaritaannada socdaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay rajeynayaan inay soo baxaan kiisas kale oo la xiriira adeegsiga shahaadooyinka faaliska ah.
Waxaa uu guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ku baaqay in waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ay gacanta ku dhigaan ka dibna dacwad lagu soo oogo shakhsiyaadka shaqooyinka ay umadda u hayaan ku helay qaab khiyaano ah.
Madaxa fulinta ee guddiga EACC,Twalib Mbarak ayaa dhankiisa sheegay in aynan marnaba ka gaabin doonin in qofka la shaqaaleysiiyay isagoo adeegsanaya shahaado been abuur ah laga soo celiyo mushaaraadkii uu qaadanayay iyo faa’iidooyinka kale ee uu ku helay shaqadaasi.
Baaritaannada PSC ayaa la billaabay bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay wasaaradaha dowladda dhexe, waaxyaha hoos tago, shirkadaha dowliga ah iyo maamullada madaxa bannaan.
Guddiga adeegga dadweynaha ayaa kiisaska ku aaddan shahaadooyinka waxbarasho ee faaliska ah ee uu ilaa iyo hadda xaqiijiyay ku sheegay 2,067 .
Falalka khiyaanada ee ay howlwadeennadan sameeyeen waxaa ka mid ah in ay isbeddel ku sameeyeen natiijooyinkoodii imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee KCSE-da, shahaadooyinkii KCSE-da, shahaadooyin heerka Degree-ga oo la farsameeyay iyo waxyaabo kale.