20 qof oo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxii xalay ee Beledweyne

0
677

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah, ee ka dhashay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay magaaladaasi, kuwaasoo ay fuliyeen 2 nin oo mid gaari waday iyo mid isku soo xiray waxyaabaha Qarxa.
Qaraxa 1-aad oo ka dhacay gudaha Xerada lamagalaay oo ay ku dhaxyaalaan Madaxtooyada iyo xarumaha dowladda ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha Qarxa isagoo beegsaday Xildhibaan Marxuumad Aamino Maxamad Cabdi iyo dhowr askari oo ilaalo u ahayd.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Marxuumad Aamino ayaa u socotay kulan ay kula balansaneyd Madaxweynaha Hirshabeelle balse waxaa weerarkaas lagu dilay iyada iyo askartii la socotay.
Qaraxa 2-aad oo ahaa Ismiidaamin gaari loo adeegsaday ayaa lala beegsaday gaari ciidan oo dhaawacyo ka soo qaaday gudaha Xerada maadaama aan loo ogoleyn gaadiidka rayidka ah, waxa uuna Qaraxaan ka dhacay meel u dhexeyso Isbitaalka Magaalada iyo huteel Kaamil.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Qaraxaan uu gaystay khasaaraha ugu badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh, iyadoo weli si wayn Magaalada qaraxyadii xalay looga dareemay.
Ilaa 10 qof ayaa lagu la’yahay nolal iyo geeri, waxaana Dadka dhintay ay isugu jiraan siyaasiin, odayaal dhaqan, ganacsato, askar iyo dad kale oo shacab ah, waxaana saaka Magaalada ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Ammaanka.