2 qof oo loo xiray tahriibinta shacabka

0
460
created by photogrid

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la qabtay labo qof oo ku eedeysan howlaha tahriibka.
Howlgalka oo laga sameeyay aagga buundada Makupa Bridge ee ismaamulka Mombasa ayaa lagu soo badbaadiyay 17 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya.
DCI-da ayaa sheegtay in labada qof ee la xiray ay kala yihiin darawalka iyo taanbooyga baabuurka dadkan lagu waday.
Magacyada eedeysanayaasha la xiray ayaa kala ah Richard Mbeke iyo Joseph Ndungu.
Laamaha ammaanka oo xog ka helay bulshada ayaa fuliyay howlgalka ay ku bartilmaameedsadeen baabuur taargadiisa ay tahay KCL 849M.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in 19-ka qof saaka la soo taagi doono maxkamadda Mombasa si dacwad loogu soo oogo.