Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ciidamada booliiska ee Embakasi ay gacanta ku dhigeen labo ruux oo looga shakiyay fal dhac ah oo 20-kii bishan laga gaystay deegaankaasi.
DCI ayaa intaasi ku dartay in bakhaarro ku yaalla Embakasi xilligaasi laga dhacay hanti uu qiimaheedu yahay in ka badan 17.6 milyan oo shilin.
Waxaa bakhaarrada leh shirkadda Aetlantiq Group Limited.
Tuhmaneyaasha falkan loo xiray ayaa lagu kala magacaabaa James Macharia Mwangi iyo Keriko Wanjama waxayna hadda marayaan baaritaan dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.