Taalibaan oo cambaareysay qaraxyadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul

0
549

Waxaa lagu soo warramayaa in labo qarax ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan.
Waxaa jira warar aan la xaqiijinin oo sheegaya inay ku dhinteen 10 qof.
Weerarka ayaa lala beegsaday afaafka hore ee albaabka garoonka, halkaas oo ay daggan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska.
Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in uu jiro khasaare soo gaaray ciidamada Mareykanka iyo dad shacab ah.
Dhanka kale afhayeen u hadlay kooxda Taalibaan ayaa cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha Kabul, isagoo sheegay in goobta ay wax ka dhaceen ay tahay meel ay maamulaan militariga Mareykanka.