Shaqaalaha difaaca rayidka ee dalka Falastiin ayaa sheegay in ay heleen 180 meydad ah.
Waxaa meydadkan laga soo saaray xabaal wadareed lagu dhex arkay gudaha daarta isbitaalka Nasser Hospital ee magaalada Khan Younis.
Tani ayaa ku soo aadaysa labo toddobaad ka dib markii ay Israa’iil ciidamadeeda kala baxday halkaasi.