Waxaa lagu soo warramayaa in 157 carruur ah ay u dhinteen cudurka jadeecada kaas oo ka dillaacay dalka Zimbabwe.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Zimbabwe ayaa sidoo kale sheegtay, in ka badan 2,000 kiisaska la xiriira caabuqan laga soo tabiyay guud ahaan wadankaasi.
Kiisaska ayaa si xowli ah u kordhayay tan iyo markii ay mas’uuliyiinta dowladda ay sheegeen in kiiskii ugu horreeyay la soo tabiyay horraantii bishan, iyadoo dhimashada ka dhalatay ee xanuunkan la soo sheegay ay laba jibaartay wax ka yar toddobaad.
Wasaaradda caafimaadka ayaa horay ugu eedeysay faafitaanka cudurkaan inay ka dambeeyaan isu imaatinnada kooxaha kaniisadaha.