15 Kenyaan ah oo laga soo daad gureeyay Iiraan oo dib ugu soo laabtay dalka

0
144

Shan iyo toban Kenyaan ah oo laga soo daad gureeyay Iiraan, sababo la xiriira xiisadaha Bariga Dhexe, ayaa subaxnimadii maanta dib ugu soo laabtay dalka. Wasaaradda arrimaha qurba joogta ayaa xaqiijisay in ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Nairobi, iyagoo soo maray Turkiga.
Soo daad gureyntan ayaa waxaa isku dubbariday dowladda, iyadoo la kaashatay safaaradaheeda Tehran iyo Ankara. Dowladda ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda muwaadiniinteeda ku sugan Bariga Dhexe, gaar ahaan iyadoo ay sii kordhayaan colaadaha gobolka. Waxaa la xusay in ilaa hadda aan la diiwaan gelin wax dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray Kenyaanka ku nool halkaas.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in ka badan nus milyan Kenyaan ah ay ku nool yihiin dalalka Bariga Dhexe, isla markaana badankooda ay sii wataan shaqadooda iyo waxbarashadooda. Dadka doonaya inay ka baxaan meelaha ay saameeyeen colaadaha ayaa waxaa lagu wargeliyay inay adeegsadaan duulimaadyada caadiga ah iyo hay’adaha safarka ee la oggol yahay.