15 garsoore oo ku biiraya Maxkamadda Racfaanka oo xilka loo dhaariyey

0
98

Madaxweyne William Ruto ayaa subaxnimadii saaka guddoomiyay munaasabad lagu dhaarinayay 15 garsoore oo cusub oo ku biiraya Maxkamadda Racfaanka. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo awoodda garsoorka, xilli ay dalka ka taagan tahay dib u dhac weyn oo ku yimid dhageysiga dacwadaha. Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay garsoorayaasha, isaga oo mar kale xaqiijiyay in dowladda ixtiraamayso sharciga iyo go’aannada maxkamadaha.
Si kastaba ha ahaate, Ruto ayaa muujiyay walaac ku saabsan qaar ka mid ah go’aannada maxkamadeed ee hakiyay fulinta siyaasadaha dowladda. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxbannaanida garsoorka la dhowro, balse loo baahan yahay wadahadal furan oo ku saabsan saameynta go’aannadaas ay ku leeyihiin nolosha iyo maciishadda muwaadiniinta. Madaxweynaha ayaa sheegay in awoodda maxkamadaha aysan la jaanqaadin tirada sii kordheysa ee dacwadaha dalka laga gudbiyo.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in magacaabista garsoorayaashan cusub ay qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu dardar gelinayo shaqada garsoorka lana dhimayo culeyska dacwadaha urursan. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inuu doonayo fasiraad sharci oo ku saabsan doorka iyo miisaanka ay leeyihiin barnaamijyada xisbiyada siyaasadeed marka la fulinayo siyaasadaha dowladda, isaga oo ku baaqay in la iska daayo siyaasadda ku dhisan shakhsiyadda lana xoojiyo hay’adaha iyo sharciga.
15-ka garsoore ayaa waxaa si rasmi ah u magacaabay madaxweynaha ka dib talo ka timid Guddiga Adeegga Garsoorka (JSC).
Garsoorayaasha maanta xilka loo dhaariyay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha hay’adda madaxa bannaan ee kormeerka ku sameysa howlaha booliiska ee IPOA Axmed Issack Xasan, qareen sare Katwa Kigen, garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare, iyo khubaro sharci oo waayo arag ah. Garsoorayaashan cusub ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan yareynta cadaadiska saaran Maxkamadda Racfaanka, gaar ahaan dacwadaha dastuuriga ah, murannada doorashooyinka, iyo kiisaska ganacsiga ee adag.