14 qof oo ku dhintay boor wax lagu xayeysiiyo oo ku soo dumay Mumbai

0
199

Waxaa la xaqiijiyay in 14 qof ay dhinteen halka ugu yaraan 74 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu soo dumay boor wayn oo xayaysiin oo lagu dhejiyay waddada agteeda magaalada Mumbai ee dalka India.
Maamulka hoose ee Mumbai ayaa arrinkan bayaan ku sheegay.
Boorka soo dumay ayaa ahaa 70 iyo 50 miitar sida ku cad qoraalka booliiska magaalada Mumbai ee dalka India .
Dadka dhacdadaasi ku dhaawacmay ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka Rajawadi Hospital waxaana la guda galay baaritaan heer sare oo xaqiiqo raadin ah.