14 qof oo ku dhimatay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan iyo Qaza

0
171

Hal qof ayaa ku dhintay qaar kalena wa ay ku dhaawacmeen weerar Israa’iil ay ku qaaday gaari ku sugnaa Koonfurta Lubnaan. Weerar kale oo cirka ah oo Israa’iil ay shalay ku qaadday xero qaxooti oo ay ku nool yihiin Falastiiniyiin deggan Koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 13 qof.
Milatariga Israa’iil ayaa dhowr jeer duqeymo cirka ah ka geystay qaybo ka mid ah magaalooyinka Rafah iyo Khan Younis ee Koonfurta Qaza.
Israa’iil ayaa waxaa ay fulisay 393 weerar oo jebinaya heshiiska xabbad joojintii ugu dambeysay, iyadoo dishay 279 qof halka ay ku dhaawacday 652 kalena oo Falastiniyiin ah, sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta Dowladda Qaza.