11 maleeshiyo ah oo lagu xiray Pakistan

0
576

Maamullada dalka Pakistan ayaa sheegay in la xiray 11 qof oo maleeshiyaad ah.
Waxay ku eedeysan yihiin ku lug lahaanshaha weerar ismiidaamin ahaa oo bishii saddexaad lagu bartilmaameedsaday injineerro u dhashay Shiinaha.
Xukuumadda Beijing ayaa dhankeeda Pakistan ugu baaqday in ay sii wado baaritaannada.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning ayaa sheegtay in xukuumadda Beijing ay muhiimad gaar ah siinaysa horumarka ay Pakistan ka sameysay baaritaannada ku aaddan weerarkii 26-kii bishii March ee sanadkan lagu dilay 5 injineerro ah iyo darawalkoodi.
Farsamayaqaannada ayaa xilligaasi ku wajahnaa biyo xireenka wayn ee Dasu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa balse waxaa baabuurkoodi lagu dhuftay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Pakistan ayaa horay dowladda Afghanistan ku eedeysay in dalkeeda laga soo abaabulo weerarrada ka dhanka ah Islamabad hasa ahaate xukuumadda Taalibaan ayaa eedeyntaasi beenisay.
Waxay dowladda Pakistan sheegtay in qofkii isa soo miidaamiyay ee beegsaday injineerrada Shiinaha uu ahaa muwaadin u dhashay Afghanistan.