Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa soo bandhigtay magacyada iyo sawirrada 35 ruux oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha wadanka Soomaaliya.
Shakhsiyaadkan ayaa ku eedeysan inay ka dambeeyaan falalka argagixisannimo ee ka dhacay ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in 35 qof ay xiriir la leeyihiin maleeshiyaad sanadkii 2020-ka weerar ku gaystay saldhigga ciidamada Maraykanka ee Manda Bay ee dowlad deegaanka Lamu.
Dadweynaha ayaa laga codsaday inay xog walba oo ay ka hayaan shakhsiyaadkan xiriirka la leh Al-Shabaab la soo wadaagaan laamaha ammaanka, si loo guddoonsiiyo abaalmarin lacageed oo aysan dowaladda caddeyda shaacin.
35 qof ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Macallin Ayman, Ramadhan Kioko, Cabdullaahi Banati, Andreas Martin Muller, Abu Amar, Suleymaan Maktum, Yuusuf Anau oo u dhashay dalka Tanzania, Cabdiweli Yaasiin Ciise, Idiris Dhul Kifir, Silla, Ibraahim Magag, Xasane Tijana iyo Fahad oo u dhashay Bangladesh.
Shakhsiyaadka kale ee lagu raadjooga ayaa kala ah Jamalo oo haysta dhalashada wadanka Tanzania, Sheekh Nganglangalam, Rasuul, Janagale Huteiba oo Itoobiyaan ah, Bashiir Mursal Maxamuud, Abu Khatal, Maalik Alim Jone oo u dhashay Boqortooyada Ingiriiska, Abu Saciid Abu Anan, Mzee Mashella, Warsame Cali, Maxamad Mwanjama Saalim iyo Cabdiqaadir.
Kindiki ayaa sheegay inay qasab tahay in eedeysanayaasha magacyadooda la soo bandhigay ay isku dhiibaan saldhigga booliiska ee ugu dhow .
Waxaa uu xusay in la cirib tiri doono dhammaan kooxaha gaysta falal dambiyeedyada .
Sidoo kale waxaa uu wasiirku tilmaamay inuu xiriir toos ah ka dhexeya xaqiijinta nabad galyada iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha.
Kithure Kindiki ayaa sheegay in Kenya laga dhigi doono waddan leh ammaan buuxa oo ay ku soo hirtaan maalgashatada caalamiga ah.